U Baahan Yahay Inaad Ogaato: COVID-19 Tallaalada Ka Dib Caabuqa COVID

Halka dadka qaarkiis ay yeeshaan difaac dabiici ah kadib caabuqa COVID-19, mudada iyo ka ilaalinta fayraska aad bay u kala duwan yihiin. Waxaan sidoo kale ognahay in dadku ay qaadi karaan COVID-19 in ka badan hal mar. Sida infekshanka bilowga ah, jirrada labaad (ama saddexaad) waxay u dhaxayn kartaa mid fudud, ilaa daran, ilaa nafta halis gelisa.

Kala duwanaansho cusub ayaa laga yaabaa inay kordhiso halista dib-u-qaadista. Gaar ahaan, kala duwanaanshaha Omicron-kaasoo hadda ah kala duwanaanshaha ugu badan ee Maraykanka-waxaa la tusay inuu horseedo dib-u- qaadisyo ka badan nooc kasta oo hore loo soo sheegay.

CDC waxay ku talinaysaa in qof walba laga tallaalo COVID-19 iyadoon loo eegin inuu hore u qaaday iyo in kale.

-

 

Waa kuwan jawaabaha su’aalaha inta badan la iska weydiiyo ee ku saabsan difaaca dabiiciga ah, ilaalinta tallaalka iyo dib-u-qaadista COVID-19.

 

 

Is tallaal sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah

CDC waxay ku talinaysaa in qof walba laga tallaalo COVID-19 iyadoon loo eegin inuu hore u qaaday.

Nabadgelyo joog

Naftaada, kuwa aad jeceshahay iyo bulshadaadaba ka ilaali fayraska addoo raacaya tilmaamaha badbaadada ee ka dhanka ah COVID-19:

  • Xiro maaskaro bannaanka guriga gaar ahaan meelaha caamka ah.
  • Ku celceli fogeynta bulshada ugu yaraan lix fiit kuwa kale.
  • Dhaq gacmahaaga si joogta ah.
  • Ku dabool wixii qufac ama hindhiso ah xusulkaaga ama unugga.
  • Ka fogow meelaha uu faafitaanka COVID ku badan yahay, haddii ay suurtagal tahay.
  • Raac talooyinka CDC ee baaritaanka iyo go’doominta haddii aad isku aragto calaamadaha.

Xog cusub ayaa muujineysa in dadka la tallaalay caabuqa kadib laga yaabo inay ka badbaadiyaan COVID-19, gaar ahaan noocyada cusub. Haddii aad hore u lahayd COVID-19 in si buuxda loo tallaalo waxay noqon kartaa habka ugu wanaagsan ee lagu ilaaliyo adiga, qoyskaaga iyo bulshadaada oo lagu yareeyo fiditaanka fayraska.

Share